Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa maanta waxaa isku soo dhiibay sargaal katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool.
Muqtaar Maxamed Isxaaq (Rabaani ) oo ahaa hoggaamiyihii Jabhada ee gobalka Bokool ayaa saakay isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kaddib xiriro uu lasoo sameeyay saraakiil katirsan ciiddanka xoogga.
Ninkan ayaa sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab muddo saddex sanno ah, waxa uuna sheegay in tababar dhinaca jabhada ah kusoo qaatay deegaanka Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Sargaalkan ayaana sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolada dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay cafiyaan haddii waxyeelo xagiisa kasoo gaaray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com