Allbanaadir.com
NEWS

Dhismaha Waddada Laamiga ee Via Laberia oo maanta xarigga laga jaray (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia ee Degmada Waaberi oo lagu dhisay isku tashiga Bulshada iyo Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabadda Xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Maamulka Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada caasimadda in ay ka qeyb qaataan Amniga iyo horumarka Caasimadda.

Related posts

Madaxweyne Putin iyo Kim Jong Un oo kala saxiixday heshiis shaki badan abuuray

Cabdi Cade

Qaraxyo is-xigay oo dhimasho & dhaawac badan ka geystay degmada Balcad

Caydiid Ali

Maxkamad dembi ku weysay heyad Islaami ah oo loo heysto iney taageerto argagaxiso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---