Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Ujeedka Safar uu ugu ambo baxay Kenya (Daawo Sawiro)

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambo baxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in magaalada Nairobi joogi doono afar maalin, waxa uuna shaaciyay Madaxweynaha in Kenya inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doono hay’ado caalmiya, safaarado, iyo ururo daneeya arimaha Soomaaliya.

“Waxaan maanta u safrayaa caasumada dalka Kenya ee Nairobi, halkaasi oo aan u aadi doono safar shaqo oo ilaa afar bari qaadan doona, safaarkaas waxaa uu la xariiraa dhammaystir mashaariic horey usocotay iyo kuwa tira badan oo dhawaan bilaabman doona sida aad la socotaan, waxaan kula kulmi doonaa Nairobi hay’ado caalmiya, safaarado, ururo caaalamiya, waxaan rajeenayaana afrtaa bari kabacdi inaan dalka dib ugu soo laaban doono, Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa inta badan safaro u aada Wadamada Dariska iyo wadamo kale, waxa ayna inta badan dowladaha qaar iyo Ururo kala soo hadlaan arimo iyaga khuseeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Roobab daadad wata oo ku dhuftay Puntland iyo isgaarsiinta oo go’an

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Maraykanka oo diiday amar ka soo baxay Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo hal arrin uga mahad celisay Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---