Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay xukunno dil ah lagula fuliyay labo askari oo katirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed, kuwaa oo dilal arxan-darro u geestay dad shacab ah.
Raggan xukunka dilka ah lagu fuliyay saakay ayaa horey maxkamadda ciidamada ugu riday xukunno dil ah, waxaana labadan askari lagu helay kuna cadaaday dambiyo dilal ah ay ka geesteen magaalada Baydhabo.
Ex dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa lagu helay in uu dil u geestay marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus , askarigan ayaana la sheegay dilka marxuumka kaddib in uu ku riday ceel biyood si meydkiisa aan loo arag loona ogaanin.
Sidoo kale Ex dable boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna horey u dilay Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jir ahaa, dilkan ayaana yimid kaddib markii Sheekha uu askarigan damcay in uu ka wacdiyo isbaaro xilligaasi u taalay dilaaga.
Magaalada Baydhabo ayaa isbuucan kaliya siyaabo duwan loogu toogtay askar katirsanaa ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, kuwaa oo lagu helay dhammaantood dilal ay u geesteen dad shacab ah iyo askar kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com