Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay ninkii toogashada ka geestay magaalada Brussels

Nin hubeysan ayaa toogasho dad lagu dilay kuwa kalana lagu dhaawacay habeenkii Iniinta ee 16-ka bishan October ka geestay magaalada Brussels ee caasimadda dalkka Biljamka, xilli dadka la dilay u socdeen daawashada ciyaar u dhaxeysay Biljamka iyo Sweden.

Toogshada waxaa fuliyay Abdesalem Lassoued o ahaa 45-anno jir kasoo jeeday dalka Tunuusiya, ninkan ayaana dilay labo taageere oo u dhashay dalka Sweden , halka qof kalana uu dhaawac u geestay.

Ciidamada booliiska magaalada Brussels ayaa toogasho ku dilay ninka weerarka geestay, waxaana muuqaalo kaamirada qarsoon duubtay laga arkayay ninkan oo magaalada dhaxdeeda dad ku eryanaya kuna dilaya.

Abdesalem Lassoued, ayaa sheegay in xabsi kuyaalla dalka Tuniisiya ka baxsaday sannadkii 2011-kii, ninkan ayaana xilliga uu xabsiga ka baxsanayay ku xukunnaa xabsi heer oo gaarayay 26-sanno , kaddib markii la xiray sannadkii 2005-tii.

Ninkan ayaana lagu helay in uu galay dambiyo dhowr ah ay kamid ahaayeen isku dayo dil, waxaana markii uu xabsiga ka baxsaday ninkan doon ugu tahriibay jaziirada Lambadusa , halkaas uu markii dambe kasii galay dalka Biljamka.

Abdesalem Lassoued, ayaa markii uu tagay dalka Biljamka codsaday in lasiiyo magan-galyo, hasa ahaatee dowladda Biljamka ayaa u diiday codsigiisa, waxaana waxii xilligaasi ka dambeeyay la sheegay in ninkan la waayay.

Dowladda Tuniisiya ayaa ka codsaday Belgamka inuu Lassoued ku soo celiyo dalkooda uu dambiyo ka galay bishii Agoosto ee sannadkii 2022, hasa ahaatee Saraakiisha dowladda Biljamka ayaa diiday in ay aqbalana codsiga uga yimid Tunuusiya.

Wasiirkii Caddaaladda ee dowladda Biljamka Vincent Van Quickenborne, ayaa jimcihii iska casilay xilkiisa, kaddib wax uu ugu yeeray in uu dhacay khalad weyn oo aan la aqbali karin oo leh cawaaqib xumo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xaalado adag kusoo arkay Doolow (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & danjire Alberto Vecchi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si kulul uga hadlay Mashaqada ka taagan Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---