Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey Duqeymaha Gaza & dhimashada oo sii kordheysa (Sawirro)

Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ka geysatay Qaza, halkaasoo dhimashadu aad kor ugu sii kacday, wuxuuna Mareykanku kula taliyay Israa’iil inay dib u dhigto duullaanka dhulka ee la filayo si loo helo waqti dheeri ah oo lagu gorgortamo sii deynta la haystayaasha ay qafaasheen Xamaas.

Kolonyo gargaar oo ka timid Masar ayaa soo galay Gaza, halkaasoo dadka 2.3 milyan oo qof ay ka dhammaadeen cunto, biyo iyo daawo. Iyadoo Israa’iil ay mamnuucday inuu soo galo Shidaalka, Q.Midoobey waxay sheegtay in qaybinteeda gargaarka ay joogsan doonto maalmo gudahood shidaal la’aan awgeed.

Duqeymo culus oo dhanka cirka ah ayaa lagu burburiyay dhismayaal ku yaalla Gaza, oo ay ku jiraan meelaha Falastiiniyiinta loo sheegay inay magan-galyo raadsadaan, boqolaal qof ayaa ku dhinteen, iyadoo mowjado cusub oo dhaawacyo ah ay daadsan yihiin  isbitaallo horay loo buuxiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Falastiiniyiin ah iyo goob-joogayaal.

Laga soo bilaabo magvaalooyinka Glasgow ilaa London, Paris ilaa Barcelona, qaar badan ayaa ku biiray isu soo baxyada lagu taageerayo Falastiiniyiinta si ay u muujiyaan iney ka xun yihiin go’doominta dadka ku nool Gaza..

Ugu yaraan 5,087 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil tan iyo 7-dii October, oo ay ku jiraan 2,055 carruur ah iyo 1,119 haween ah.

Kaliya 54 baabuur oo gargaar bini’aadantinimo ah ayaa Gaza soo galay ilaa hadda sida ay sheegtay ICRC.

Isbitaallada Gaza ayaa sheegay inaysan sii shaqeyn karin shidaal la’aan, taasoo Israa’iil ay ka mamnuucday inuu galo dhulka xeebta ah ee Falastiin.

Duqaymaha cirka Israel ayaa ka dhacaya meel u dhow Isbitaalka al-Quds ee magaalada Gaza, ayay tiri Bisha Cas ee Falastiin.

Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Mohammed Shtayyeh ayaa ku eedeeyay wadamada reer galbeedka inay Israa’iil siiyeen “fasax ay ku baabi’iso Gaza.

Madaxweyne Putin-ka Ruushka ayaa ku baaqay helitaanka gargaar  aan la carqaladayn oo la gaarsiinayo Gaza

Isagoo taleefoon kula xiriiray dhiggiisa Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad-joojin.

Related posts

Nin dhowaan qaatay diinta Islaamka oo fuliyey weerarkii xalay ka dhacay dalka Norwey

Caydiid Ali

Dowlada oo faah faahisay Sababta looga joojiyay Dhaqaalihii Beesha Caalamka ka heli jirtay

Cabdi Cade

R/W Rooble oo Geedi socodka Doorashada u sharaxay Guddiyada Doorashada (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---