Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) ATMIS oo lagu wareejiyey dayuurado Helicobter ah oo loogu talo galay..

Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya ku wareejiyay saddex diyaaradood oo helikobter ah

Dayuuradahan ayaa loogu tal iney ka caawiyaan ciidamada howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Qoraal rasmi ah oo ay hay’adda UNSOS soo dhigtay barteeda “X” ayay ku muujisay muhiimadda ay diyaaradahan u leeyihiin xoojinta hawlgallada ATMIS

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UNSOS

UNSOS waxa ay ATMIS ku taageertay inay saddex diyaaradood oo helikobter ah ka hesho Ciidanka Difaaca Qaranka Burundi si ay u xoojiyaan taageerada hawlgallada ATMIS ee ka socda Soomaaliya.

Diyaaradaha Helikabtaris-ka ee Mi-8 iyo Bell 412, oo qayb ka ah Helikabtarada ay QM u oggolaatay inay isticmaalaan, ayaa xoojinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo  ka caawin doona daabulaada ciidamada, soo-celinta degdegga ah, iyo daad-gureyn caafimaad ee naf-badbaadinta ah oo laga soo saarayo jiidaha hore ee dagaalka. Diyaaradahan waxey ka mid noqon doonaan hantida ATMIS iyagoo hoos imaan doona taliska iyo Maamulka ATMIS.

UNSOS waxay sii waddaa bixinta taageerada saadka ee muhiimka ah iyadoo si dhow ula shaqeyneysa ATMIS iyo Ciidanka XDS si ay ufuliyaan waajibaadkooda Soomaaliya.

Related posts

Ciidamo Huwan ah oo la wareegay Deegaano dhoor ah oo Al Shabaab horey u heesteen

Cabdi Cade

Galmudug oo shaaciyay doorashada labo kursi oo beri ka dhacaya Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo War ka soo saaray rasaas ka dhacday agagaarka hoyga Shiikh Shariif

Caydiid Ali
Taboola Ads ---