Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska DF oo Warbixin ka soo saaray xaaladihii u dambeeyey amniga Dalka

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo xarunta taliska Ciidamada Booliska shir jiraa’id ku qabtay ayaa warbaahinta la wadaagay warbixin la xiriirta xaaladihii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka shantii maalin ee u dameysay.

Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe), Afhayeenka Ciiidamada Booliska ayaa warbaahinta ugu horreyn la wadaagay dhacdooyinka amniga liddiga ku ah, kuwaasoo ka dhacay qaar ka mid ah Maamul Gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in October 18, 2023-ka Ciidamada Booliska oo hawlgal ka sameeyey deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ay ku qabteen gaari nuuca loo yaqaan Noha, kaasoo al-shabaab u waday agab raashin ah oo ay isticmali rabeen.

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan laba beelood oo walaalo ah, kuwaasoo ku dagaalamay deegaano hoos yimaada degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Gaashaanle Saadiiq ayaa sheegay in October 21, 2023-ka waaxda Kordamac ee degmada Dayniile ay xubno ka tirsan al-shabaab oo watay mooto Bajaaj ay Bam gacmeed ku tuureen dad shacab ah, iyadoo Ciidamada Booliska ay dabagal ku sameeyeen, ka dib markii xogo ay ka heleen dadka deegaanka.

October 20, 2023-ka Saldhiga degmada Wadajir ayaa lagu soo xiray eedeysane lagu magacaabo Haadi Xuseen Cabdulle, kaasoo dhaawac toorey ah u geystay qof dhibane ah oo lagu magacaabo Cadnaan Ibraahim Samow, xilli uu Taleefanka uu ka qaadan rabay.

October 21, 2023-ka degmada Diinsoor ee dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada, kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Mayow oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyada oo Afhayeenka uu sheegay in la yaqaano shaqsiga dilka geystay.

Isla maalintaas Ciidamada Booliska ayaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ka soo xiray 14 eedeysane kuwaas oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen Wiil yar oo da’diisa ahayd 11, iyada oo Ciidamada Booliska Puntland ay baaris ku sameeyeen eedeysanayaashaan, xilli laga qaaday baarista hidde sidaha ee DNA.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciiidamada Booliska Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in October 21, 2023-ka gaari ay al-shabaab ka soo buuxsheen walxaha Qarxa ay damceen in ay soo galiyaan Caasimadda ku qarxay bar kontarool oo ku taal deegaanka Ceelasha Biyaha ee duuleedka Magaalada Muqdisho.

Khasaaraha uu geystay Qaraxa ayaa gaaraya dhimashada lix qof; oo afar ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada Xasilinta oo goobta ku sugnaa, halka labada kale ay ahaayeen kuwa shacab ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay sagaal qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen Ciidamada iyada oo afarta kale ay ahaayeen dad shacab ah, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska.

Related posts

(Sawirro) Dagaalyahanada Xisbullah oo 60 gantaal ku garaacay gudaha Israel

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo sheegtay iney Muqdisho ku dileen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada & Booliska

Caydiid Ali

Muqdisho oo yeelaneysa afar wado oo laga soo galo lagana baxo iyo shacabka oo ka niyad jabsan !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---