Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Amnesty oo eedeyn aan horey loo arag u jeedisay Ra’iisul Wasaraha Britain

Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak iyo xubin sare oo ka tirsan mucaaradka Lisa Nandy inay yareynayaan culeyska xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Israa’iil ka wado marinka Gaza.

“Iyagoo diidaya in la cambaareeyo jebinta cad ee sharciga caalamiga ah, iyadoo aan si cad loo sheegin in xaddidaadda Israa’iil ee biyaha iyo cuntada ay tahay ciqaab wadareed iyo dembi dagaal, iyo in amarka daadgureynta Israa’iil uu yahay barakicin xoog ah, siyaasiyiinta UK waxay yareynayaan culeyska ficillada Israel” ayey tiri Sacha Deshmukh oo ah madaxa fulinta ee Amnesty International.

Sunak ayaa diiday inuu cambaareeyo go’doominta guud ee Israa’iil ka wado Gaza taasoo ah labo wajiilenimo sida ay sheegtay amnesty.

Dhinaca kaled, Holland ayaa gacanta ku dhigtay 19 qof oo dibed baxayaal ah kuwaasoo qabsaday albaabka laga galo Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, iyagoo ka mudaaharaadayay dagaalka Israel ee Gaza.

Dadkan ayaa qabsaday buundada ku hor taal maxkamadda Hague iyagoo soo bandhigay boor ay ku eedeeyeen ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu inuu yahay dambiile dagaal.

“Bannaanbaxa wax carqalad ah kuma keenin hawlaha caadiga ah ee maxkamada ICC. Xaaladda waxaa wax ka qabtay ciidanka ammaanka ” ayey tiri Sonia Robla afhayeenka ICC.

Xarig kooban ka dib, booliisku waxay sii daayeen dadkii banaanbaxayey.

 

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya Nabadoon Caan ahaa oo galabta la dilay

Cabdi Cade

Dal Yurub ka tirsan oo Iskuulada ka mamnuucay in gabdhuhu xirtaan Cabaayadaha

Cabdi Cade

Maxay aheyd Qisadii cajiibka laheyd ee dhexmartay Ibliis & Nabi Dul-Kifli?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---