Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad fara badan oo loo xiray kufsi iyo dil Gaalkacyo loogu geystay wiil 11 jir ah

Booliiska Puntland ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo ayaa dad gaaraya 75 qof u xiray kiis kufsi iyo dil ah oo loo geystay wiil 11 jir ah.

Kuwo aad loogu tuhmayo inay ku lug leeyihiin falkan ayaa ku jira dadka la xirxiray sida uu sheegay taliyaha saldhigga Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo Labo xiddigle Samatar Cabdulahi Awkax

Taliyaha ayaa intaas ku daray kiiskan uu xilli habeen ah ka dhacay goob kaam ah oo uu ku noolaa wiilka la dilay

Wuxuu xusay in la soo xiray dhammaan dadkii ka dhowaa goobtaas, si baaritaan loogu sameeyo, loona helo dadka falkaas ka dambeeyay.

Hay’adaha amnigu way ka go’an tahay in gacanta lagu dhigo cid kasta oo falkaas foosha xun ka dambeysay, si caddaaladda loo mariyo” ayuu yiri taliyaha.

Hay’adda Puntland u qaabilsan baarista dambiyada hiddasidaha DNA ee Forensic Science ayaa dheecaano iyo saambalo kale ka qaaday  ilmaha la dilay

Si kiiska loogu helo caddeymo Waxaa baaritaan lagu sameyn doonaa dheecaanka wiilka la dilay iyo dheecaano laga qaadayo dadka la tuhunsan yahay, iyadoo kiisan uu u qaab u eg yahay kii sanado ka hor ka dhacay isla magaalada Gaalkacyo oo kufsi iyo dil loogu geystay gabar yar kaasoo baaritaan dheer ka dib la helay raggii falkaas ka dambeeyey oo markii dambe xukun toogasho ah lagu fuliyey.

Related posts

Raisi oo weeraray Reer galbeedka ka dib kulan uu la qaatay dhigiisa Musaveni (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo ka hadashay Saameynta ka dhalatay Duqeymaha Mareykanka wado

Cabdi Cade

Erdogan oo si adag uga hadlay Qoraal uu baahiyay Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Cabdi Cade
Taboola Ads ---