Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha SSC oo lagu soo dhoweeyey Laascaanood ka dib aqoonsigii DF (Sawirro)

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Aw-Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, kaddib socdaal shaqo oo ay muddo ku joogeen caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha iyo weftigiisa ayaa soo dhawayn heer sare ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood, halkaasoo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka mida ciidamada Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha oo shacabka la hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo isgarab taagga shacabka reer SSC-Khaatumo ay markasta la garab taaganayihiin Maamulkooda.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha JFS Mud. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha XJFS Mud. Xamse Cabdi Barre iyo xukuummadda Dan-qaran, casuumaddii iyo soo dhawayntii qiimaha badnayd ee ay Caasimadda ugu sameeyeen sidoo kale aqoonsigii ay Maamulka SSC-Khaatumo siisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay shacabka SSC-Khaatumo in ay midnimadooda ilaaliyaan, isla markaana ay koryeelaan qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa socod ku maray qaar ka mid ah waddooyinka Laascaanood isagoo salaamay shacabka isugu soo baxay fagaraayaasha Caasimadda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wafdigii uu horkacayey Raisul Wasaare Khayre oo ku soo laabtay dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo War cusub kasoo saaray shirka ka socda Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Hub & Ciidamo laga dejiyay Kismaayo & Walaac soo wajahay shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---