Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dulles ee magalada Washington ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Diblomaasiyiinta Safaarada Soomaaliya ee dalka Mareykanka.
Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha shacabka.
Inta uu ku sugan yahay waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa ee Aqalka Golaha Wakiilada dalka Mareykanka.
Waxay kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya.