Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Gaashaandhiga DF oo abaabul dagaal ka wada gobolka Bakool (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa kormeer ku tagay fadhiyada Ciidanka qalabka sida ay ku leeyihiin magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiintii wehlisay oo la hadlay Ciidaanka qalabka sida ayaa ku dhiiragaliyay shaqada adag ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo sheegay in loo baahan inay sii laba-laaban maadama xilligan lagu jiro dagaal ka dhan ah al-shabaab oo la doonayo in dalka looga sifeeyo.

Ciidamada qalabka sida ee kuu sugan fadhiyada kala duwan magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa shaqo xooggan ka qabtay dhanka sugida amniga, iyaga oo haatanna u diyar garoobaya dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab iyo wajiga labaad dagaalka.

“In horumar la gaarsiiyo magaaladdan iyo deeggaannada ku teegsan, bulshadda ku noolna ay hesho adeeg dowladeed oo dhameystiran cida hortaagan waa kooxda gabalkeedu dhacay, in dadka danta yar ay helaan adeeg caafimaad iyo nolol dhameystiranba cida u diidan waa khawaarijta, waxa kaliya ee noo furanna waa inaan ka xorreyno shacabkeenna dhiig-miiratada la haray” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Related posts

(Sawirro) Dhaqdhaqaaq ciidan oo caawa laga dareemayo Muqdisho & Villa Somalia oo..

Caydiid Ali

Maqaayada ugu caansan Waddanka Canada oo soo saartay amar muran dhaliyey

Caydiid Ali

Digniin adag oo laga bixiyey weeraro argagaxiso oo ku soo wajahan dalka Kenya

Caydiid Ali