Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh Shariif oo nasiib daro ku tilmaamay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay..

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii foosha xumaa ee xalay ka dhacay tuulada Xaaji Cali oo ka tirsan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe oo lagu dilay shan qof oo kala ahaa Macalin dugsi Quraan iyo arday.

Dadka la dilay oo xer ahaa ayaa ku socday tuulada Xaaji Cali, iyagoo ka soo laabtay Quraan akhris, iyadoo arrintan ay daba socoto colaado salka ku haya oo ka jiray degaannada hoostaga degmada Cadale, kuwaasoo lagu dilay dad badan, tuulooyinna lagu gubay.

Dhawr jeer oo shirrar dibu-heshiisiin ah loo qabtay qabaa’ilka deegaanka ku dagaalamaya ayaa guuldarro ku dhammaaday, waxayna dagaalladan si goos goos ah u dhacayeen muddo dhawr sano ah.

Qoraal uu arrintan ka soo saaray Shiikh Shariif ayaa ku bilowday sidatan hoose.

Allah ha u naxariisto inti ku geeriyootay colaadda ka soo cusboonaatay deegaanno hoos taga gobolka Sh/dhexe.

Waa wax aad looga xumaado in ay soo laabato colaadda u dhaxeysa dadka walaalaha, si adag ayaan u cambaaraynaynaa, waxaana ku baaqaynaa in deg deg loo joojiyo is dilka dadka ehelka ah.

Waxaa nasiib darro wayn ah in maalin walba la dilo dad aan waxba galabsan lana daadiyo dhiigga qof muslim ah iyadoo dadaal lugu bixinaayay nabadda iyo dib u heshiisiinta loo fadhiyo muddada dheer si loo soo afjaro xaaladaha colaadeed.

Waxaan ku baaqaynaa in sharciga la hor geeyo dambiilayaasha iyadoo la tix gelinaayo baaqii Cadale ee 25-kii November 2022, waxaan sii laba jibbaari doonnaa dadaalladii aan horey u wadnay ee ahaa sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyada ku soo laa laabtay deegaanka, kamana daali doonno nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha walaalaha ah.

 

Related posts

Daawo: Musharax Kheyre oo shaaciyay sababta uu u doonayo inuu Madaxweyne u noqdo

Cabdi Cade

(Sawirro) Milateriga Israel oo shacab fara badan ku xasuuqay degaanka Rafax

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee caalamka oo xanibaad saaray Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---