Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaadiid shixnado gargaar ah sida oo Maalintii labaad galay Gaza (Sawirro)

Kolonyo ka kooban 17 baabuur oo gargaar u siday Falastiiniyiinta go’doonsan ayaa maalintii labaad u gudbay Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Masar.

Dadka degan Qaza ayaa waxay ku jireen go’doomin ay Israel ku soo rogtay cunada, biyaha, daawadii iyo korontadii tan iyo markii Xamaas ay weerartay koonfurta Israel 7-dii Octobar.

In ka badan 2 milyan oo qof oo deggan dhulkaas ayaa la halgamayay duqeymaha cirka ee Israa’iil iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha oo sii yaraanaya tan iyo markaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in saddex maalmood gudahood uu ka dhammaan doono shidaalkii Qaza.

“Shidaal la’aan, ma jiri doono biyo, ma jiri doono isbitaallo shaqeynaya iyo dubista roodhida. Shidaal la’aan, gargaarku ma gaari doono dad badan oo rayid ah oo baahi weyn u qaba. Shidaal la’aan, ma jiri doonto gargaar bini’aadantinimo,” sidaas waxaa yiri Philippe Lazzarini, Guddoomiyaha Guud ee UNRWA.

In kasta oo gargaarkii ugu horreeyay ee la keenay Sabtidii la oggolaaday in Gaza looga sii gudbo Masar, haddana kuma jirin wax shidaal ah.

Waxa uu ugu baaqay “dhammaan dhinacyada iyo kuwa saamaynta leh” in ay u oggolaadaan shidaalka Gaza isla markiiba, iyada oo la hubinayo in loo isticmaalo kaliya ujeedooyinka bini’aadantinimada.

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo qaabilay Phumzile Mlambo-Ngcuka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowlada Mareykanka oo shacabkeeda uga digtay iney booqdaan 19 dal & Somalia oo..

Caydiid Ali

Garsoore la afduubtay isagoo ku dhex sugan Maxkamad ku taalla degmada Katsina

Caydiid Ali
Taboola Ads ---