Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/llaahi Caabbi “4 dhallinyaro Soomaali ah oo isku dilay magaaladeena ayaa hurdada naga soo kicisay”

Ururka Bulsho ee ka dhisan magaalada Utrecht ee waddanka Holland ayaa xalay kulan ballaaran ugu qabtay magaaladaasi mushtamaca Soomaalida ee halkaasi ku dhaqan.
Kulankan, oo ahaa kii ugu horreeyay ee nuuciisa ah ee ay jaaliyadu isugu timaado, ayaa looga hadlayay xoojinta midnimada Soomaalida dhexdeeda & waxaana ka soo qeygalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi ku dhaqan.
C/llaahi Caabbi, Bootaan & Cali oo ka mid ah hormuudka ururka Bulsho, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in isu-imaatinkoodu  ka dhashay markii dhalinyaro Soomaali ah oo tiradooda gaareyso 4 ay is dileen.
“Waxaa hurdada naga soo kiciyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee magaalada ka dhacay, kuwaas oo ahaa dhacdooyin aad u xanuun badan, haddii aan nahay reer Utrecht waxaan iska wareysanay sidii aan isaga warqabi laheyn” Ayuu yiri Caabbi oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay, isaga oo ugu baaqay waalidiinta magaalada ku dhaqan in ay la soo xiriiraan ururka haddii ay u baahdaan in la caawiyo.
“Annagu waxaan diyaar u nahay inaan intii karaankeena ah qabano haddii waalidiintu nala soo xiriiraan, dhibaato kasta waxeey leedahay ka hortag, marka dhibku dhaco waxba kama qaban karno, waxaan se idiin balanqaadeynaa inaan idin ka caawino inta dhibaatooyinku cusub yihiin” Ayuu yiri Caabbi.
Platform for media, ka daawo hadaladii kulankaasi laga jeediyay.

Related posts

Xiisadii Imaaraadka ka abuuray Jaziirada Soqotara oo la xaliyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Arday guursaday macalimaddiisa oo 48 jir ah oo jaceyl u qaaday (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Xasan Faarax Salaad oo Muqdisho ku geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---