Lama aqbali karo Soomaaliya iney sii ahaato dal ay dowladiisu ku dhisan tahay musuq siyaasadeed iyo awood qeybsi beeleed, taas oo hanaanka baarlamaanka ka dhigtay suuq codadka lagu kala iibsado, sidaas si la midana wuxuu habdhaqankaas horseeday heshiisyo aan xeer dowladeed ahayn oo faraya in awoodaha ugu sareeya dowladda lagu qeybsado hab beeleed ka kooban shan beelood oo shaqsiyaadka ugu kartida liidata looga soo dhex xulanayo.
Ma wax dib loogu noqdaa in odeyaal dhaqameed ay aqoontoodu gaaban tahay ay laaluush ku soo xulan xildhibaaanada ka talin lahaa masiirka ummadda, iyadoo aqoonta dowladnimada casriga ah ay taas baalmarsan tahay, isla markaasna aysan ka turjumeyn in aragti cilmiyeed lagu doorto hogaamiyaha, balse taas bedelkeeda laga doorbiday in ninka dadka codbixiyeyaasha ah iyo kuwa keenay jeebabkooda buuxin kara inuu noqdo shaqsiga wax hogaamin kara?
Ma wax dib loogu noqdaaa dalku inuu yeesho xisbiyo fara badan oo aan ku dhisnayn aragtiyo siyaasadeed balse salka ku haya heyb qabiil, xagjirnimo, iyo iskaashi fikrado shisheeye oo u adeegaya dano shisheeye, kuwaas oo Soomaalidu ka dhaxashay boob, ku shubasho, iyo kursi kala dilasho, taas oo sabab u noqotay in Somalia ay gacanta u gasho xukun mileteri oo diktatooriyad ku dhisan, kaas oo dadka ku reebay cawaaqibxumo aan si sahlan weli looga soo kabsan?
Ma wax dib loogu noqdaa in madaxweyne si aqlabiyad leh lagu soo doortay inuu dalka ku hogaamiyo qorshahiisa siyaasadeed ee lagu soo doortay inuu ka awood bato raisulwasaare uu soo xushay oo ku yimid codka kalsoonida baarlamaanka, haddana ay dhacdo marka ay isqabtaan in kalsoonidoodii shalay ay bedelkeeda ku qaataan laaluush lacageed oo dhaliya kalsoonidii ay horay u siiyeen raisulwasaaraha iney sabab la’aan dib ugala soo noqdaan?
Ma wax dib loogu noqdaa in dadku aysan awoodin iney si toosa u soo doortaan madaxda ay kalsoonida ku qabaan oo ay doonayaan iney masiirkooda siyaasadeed ay metelaadiisa ku aaminaan, taas bedelkeedana ay dhacdo in dad yar oo kala qaadashada laaluush lagu soo xulay ay metelaadooda gacanta u geliyaan madax gowleysato ah oo xukunka dalka aaminsan iney xoolahooda ku heleen, haddana ay ku joogaan xoog ay ku difaacanayaan xilalkooda?
Ma wax dib loogu noqdaa in koox tiro yar ay awooda dalka laaluush kula wareegto oo ay awooda dalka gacmo aad u tiro yar ay ku soo koobto, meesha dadka intooda tirada badan ay dhibaneyaal u yihiin xukunka dadka tirada yar oo aan aqlabiyad buuxda ku dhex lahayn aragtida guud oo ay aaminsan yihiin dadka intiisa badan, waxeyna tirada yar ee xukunka haysta ay isbahaysi wadaag wadarogola ay la noqdaaan laangaab, maangaab, aqoon gaaab, iyo qowsaaro dhiiniraaca oo ka soo falaagoobey aragti wadaaga ay la ahaayeen dadka tirada badan?
Ma wax dib loogu noqdaa in sirdoonka wadamada deriska, kuwa deris xigeenka ah, iyo shisheeyaha fog iney noqdaan kuwa go’aamiya aayaha mustaqbalka ee geedisocodka doorashooyinka loogu jiro in lagu soo doorto madaxda hogaamineysa dalka, kuwaas oo inta badan noqda maalgeliyeyaasha iska leh milkiyada dowladda ka dhalaneysa doorashooyinka loogu tartamayo madaxda dalka hogaamineysa iyo madaxda maamuleysa dowlad goboleedyada?
Ma wax dib loogu noqdaa in madaxda sare ee dowladda dalka iney si xoogga ay ku soo dhistaan musharixiinta ay wataan iney madax ka noqdaan tartanka loogu jiro madaxda maaamul goboleedyada si ay dib u doorashadooda ugu helaan xildhibaano ay laaluush ku soo xushaaan, kuwaas oo inta badan lagu meelmariyo hanjabaad iyo cabsigelin loo geysto dadka deegaanka, mararka qaarna lagu caburiyo xabsi iyo dhiig laga daadiyo marka ay dadku isku dayaan iney mudaharaaad ku muujiyaan cabirida rabitaankooda?
Ma wax dib loogu noqdaa in madaxtooyada ay wada hoos yimaadaan hayadaha sharci dejinta iyo garsoorka oo ay muuqato in xildhibaano iyo hawlwadeenada garsoorka oo mushaarooyin iyo gunooyin ka qaadanaya hayadda fulinta ee hoos timaada madaxtooyada, waxeyna taas ay ka dhigeysaa xukunada ay fulinayaan garsooreyaaasha in telfoon uga yimaada madaxtooyada loogu soo yeerinayo sida ay noqonayaan xukunada ay ridayaan ama ay dhacdo in mooshinada baarlamaanka la hor keenayo ay noqdaan kuwo laga soo abaabulay madaxtooyada?
Ma wax dib loogu noqdaa in laga fogaado aqoonyahanda tayada leh in loo dhiibo xilalka muhiimka u ah khibrada iyo aqoonta, meesha taas bedelkeeda laga doorbido dad eex iyo qaraabokiil xilalka dowladda loogu dhiibo, kuwaas oo mustawaha haykalka dowladnimada Soomaaliyeed ka bixiya suurad aad u xun, waxeyna taas ay dhalinyarada waxbarata ka niyad jebisa iney dalkooda aqoontooda ugu adeegaan, waxeyna ku dhalisa iney aqoontooda dal kale uga faa’ideeyaan?
Ma wax dib loogu noqdaa in dibindaabyada dowladnimada Soomaaliya ay heshiis ku wada noqdaan dhagar qabeyaal jaajuusyo u kala ah adeegaya cadowga gudaha, kan dibeda, iyo hawlwadeenada huwan magaca dowladda oo cuqdad awgeed kalkaaliyeyaal ugu ah cadowga ummadda, kuwaaas oo isku milankoodu dhaliyey in dilal qorsheysan lagu beegsado waxgaradka, saraakiisha, iyo wadaniyiinta halganka u soo galay fashilinta isku dayadii is xigxigey ee Soomaaliya lagu doonayey in lagu geliyo maxmiyad?
Ma wax dib loogu noqdaa in saraakiil dowladeed oo mushaarkoodu aad u yar yahay ay laaluush, baad, iyo fulin dulmi oo ay hanti ku tacbadeen iney dalka uga dhistaan qasriyaal ama ay ganacsato la noqdaan shirko hantidooda maalgelin dibadeed iyo kuwa gudaha loogu sameeyo, taas oo ka dhigtay dahkligii dowladda inuu noqdo mid la musuqo oo magacxumada u keenta in loo aqoonsado magaca Soomaaaliya inuu noqdo qabriga macaawinada adduunka?
Ma wax dib loogu noqdaa ku dhaqanka dastuur aan dhameyn oo aan qeexeyn mudo xileedka madaxda inta jeer oo ay dib u soo noqon karaan, iyo taariikhda cayiman ee la gelayo doorashooyinka madaxda dalka, ku maamul goboleedyada, iyo xildhibaanada baarlamaanka, waxeyna taas ay maqnaashaheeda ay qiil u noqoneysa in madaxda dalka ay u suurtowdo iney sameystaan mudo kororsi salka ku haya cilado farsamo ama mid ku dhisan adeegsi xoog?
Dal walba sooyaalkiisa waxaa ku dhex jira madax qiimo weyn dadkooda ku dhex leh oo ku dhiiradey iney dalalkooda u horseedaan iney qaadaan tilaabooyin lagu saxayo qaladaadka siyaasadeed oo dhibaatada ku ah horumarinta maslaxada siyaasadeed ee masiirka ummaddahooda, waxeyna madaxdaas ay ku guuleysteen iney qaadaan tilaabooyin waaweyn oo lagu turxaanbixinayo masiirka siyaaasadeed ee ummaddahooda, kuwaas oo wanaagooda la mahdiyey.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa raisulwasaare Mudane Xamza Cabdi Bare Aar, waxaa lagu bogaadinayaa iney dalkaan ka samato bixiyaan caqabadaha jidgooyooyinka u ah oo ku hor go’an horumarinta hanaanka siyaasadda dalka, kuwaas oo ay ka hor wareejintoodu ay horseedi doonto meelmarinta lagu gaarayo wanaaga guud ee masiirka maslaxada ummadda Soomaaliyeed oo dhibane u ahayd sooyaal ku suntan dibudhac ay wax badan adduunka uga hartay.
Ninka diidan dalku inuu ka guuro hanaanka baarlamaanka una guuro hanaanka madaxweynaha; ninka diidan dalku inuu yeesho hanaan xisbiyo kooban oo waaweyn oo ah labo; ninka diidan in awooda dowladnimada dib loogu celiyo dadka oo ay ku galaan doorasho qof iyo coda; ninka diidan dalku inuu yeesho dastuur dhameystiran, waxaa ninkaas looga baahan yahay inuu la yimaado hanaan uu ku muteysan karo wadatashi uu awood ugu yeesho wadarogol, kaas oo ku saleysan inuu yahay hogaamiyaha xisbi weyn oo heer qarana.
Marka laga hadlayo aragtida wadatashiga ku dhisan wadarogolka ayaa waxaa saldhig u ah metelaad siyaasadeed oo heer qarana, taas oo looga jeedo xisbi siyaasadeed weyn oo madaxdeedu ay geli karaan wadatashi ka turjumaya mucaaradnimo ama muxaafadnimo, balse taas fasirkeedu ma ahan in shaqsi kasta oo muwaadina ama siyaasiya uu xaq u leeyahay inuu madaxda dowladda wadatashi kala yeesho maslaxada masiirka ummadda oo masuuliyadda meelmarinteeda iyaga loo soo doortay.
Baarlamaanka ay xildhibaanadiisu ku yimaadaan metelaada aragtiyada xisbiyada siyaasadeed ayaa sidoo kale mudan iney wanaajinta maslaxada masiirka ummadda ku yeeshaan kaalintooda ay uga jiraan ka qeyb noqoshada wadatashiga wadarogolka ee lagu hirgelinayo siyaasadaha istratejiyada u leh jiheynta isbedelada loogu sameynayo hanaanada siyaasadeed ee lagu meelmarinayo horumarinta aayaha mustaqbalka ummadda iyo dowlad wanaajinta dalka.
Waxaa qayiim aad u liito ah in shaqsiyaad siyaasiyiina oo xildhibaano ah ama xilal sare ka soo qabtay dowladda aysan weli fahamsaneyn in awooda shaqsiyadeed oo ay leeyihiin aysan qiil u noqon karin iney qasab xaq u leeyihiin iney madaxda sare ee dowladda ay kula dhegaan xilalka hogaamintooda iyagoo adeegsanaya iney tahay qasab iney xaq ugu leeyihiin in la tixgeliyo ogolaashahooda lagala tashanayo tilaabooyinka siyaasadeed oo ay dowladdu qaadeyso.
Wadatashiga ku dhisan wadarogolka waxey imaneysaa marka uu dalku yeesho xisbiyo siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo madaxdoodu ay heystaan kalsoonida ay ku metelayaan tiro badan oo ka mida shacabka Soomaaliyeed oo codadkooda ku siiyey iney ku noqdaan xisbiyo qaran oo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku metelaya ka mid noqoshada mucaaradka ama muxaafadka, kuwaas oo talooyinka diidmadooda ama ogolaanshahooda aan looga maarmayn iney ka dhiibtaan tilaabooyinka ay madaxda dowladda ay isbedelka ugu sameyneyso horumarinta masiirka siyaasadeed ee ummadda.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com