Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo 24kii saac ee u dambeeyey duqeyn ku leysay 266 reer falastiin ah (Sawirro)

Afhayeenka milatariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa sheegay inay kordhiyeen duqeynta ay ku hayaan marinka Qasa, xili ay isu diyaarinayaan in ay qaadaan weerar dhinaca dhulka ah.

Afhyeenka ayaa sheegay in weerarradan ay yareyn doonaan khatarta ay la kulmi karaan ciidamadooda marka ay qaadaan weerarka dhinaca dhulka ah, wuxuu u sheegay dadka rayidka ah ee falastiiniyiinta ee ku dhaqan Qasa, inay u guuraan dhinaca koonfureed si ay naftooda u badbaadiyaan.

Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan 55 qof lagu dilay duqeyntii xalay lagu qaaday magaalada Qasa, sida laga soo xigtay wakaaladda warrarka ee AFP.

Sidoo kale waxay sheegtay in la burburiyay 30 guri saacaddihii ay duqeyntu socotay.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay xalay duqeyn xagga cirka ah ku qaaday Daanta Galbeed ee la haysto, waxayna garaacday masjid ku yaala Janiin oo ay ku sheegtay in uu ahaa talis argagixiso.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,651 qof lagu dilay Marinka tan iyo 7dii Oktoobar.

Waxay intaas ku dartay in 14,245 qof ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sidoo kale bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la dilay 266 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 117 caruur ah.

 

 

Related posts

Ganacsade caan ah oo noqday senatorkii 6aad ee lagu doortay Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Wasiir katirsan Maamulka Puntland oo saakay ku geeriyooday magaalada Garawe

Cabdi Cade

Facebook oo dadka Isticmaala waydiisanaysa in Sawirro qaawan usoo diraan iyo Sababta ka Dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---