Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo ku hanjabay in xayiraad dhinaca socdaalka kusoo rogi doono Dalal Soomaaliya ku jirto

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump haddana ah musharax u taagan mar kale xilka madaxweynaha dalkaasi, ayaa ku hanjabay in uu dib usoo celin doono xayiraadii dhinaca socdaalka ah uu horey usoo rogay.

Donald Trump oo hadal ka jeediyay gobolka Iowa ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in uu ballaarin doono xayiraadii dhinaca socdaalka uu horey usoo saaray intii uu madaxweynaha ahaa, waxa uuna shaaciyay dalalka uu mar kale xayiraada dhinaca socdaalka saari doono.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa sheegay in mar kale xayiraada kusoo rogi doono uuna diidi dooo in dalkooda yimaadaan dad kasoo jeeda dalalka Falastiin , Suuriya, Soomaaliya, Yaman, Liibiya iyo dalal kale uu sheegay in uu kusoo dari doono.

“Qofna kama keeni doono Qasa, Suuriya, Soomaaliya, Yaman, Liibiya ama meel kaleba taas oo khatar ku ah amnigeena, waxan si dhakhso ah u soo celinayaa, una ballaarinayaa qorshii guuleystay ee xanibaadda safarka ee aan ku soo rognay wadamada argagixisada taageera iyo meelaha gabaadka u ah,” ayuu yiri Tump.

Xayiraadii dhinaca socdaalka uu horey usoo rogay Donald Trump ayaa waxaa wareegto ku baabi’iyay meeshana ka saaray madaxweynaha hada haya talada dalka Mareykanka ee Joe Biden, oo horey u diidanaa xayiraadan uu soo saaray Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay danta Siyaasadeed ee Deni ugu jirta wax ka bedelka dastuurka Puntland?

Caydiid Ali

James Swan oo dowlado ay ku jirto Kenya kala hadlay arrimaha doorashada Somalia

Caydiid Ali

DEG DEG: Isimada Puntland oo dagaalkii Boosaaso ka soo saaray go’aano dhabar jab ku ah Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---