Allbanaadir.com
NEWS

Macalin Dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardaydiisa oo lagu dilay Deegaanka Xaaji Cali

Deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socda dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil iyo dilal, waxaana sii kordhaya dilalka foosha xun ee aanooyinka salka ku haya ee ka dhacaya deegaanno hoostaga degmada Cadale.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay meel u dhaw deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ku dilay macalin dugsi Qur;aan iyo afar kamid ah ardaydiisa, kuwaa oo jidka loo galay xilli ay guryahooda kusii jeedeen.

Guddoomiyaha degmada Cadale ayaa warbaahinta u sheegay in dabley hubeysan jidka u galeen macalinka dugsiga iyo xertiisa, kuwaa uu sheegay xilliga la dilayay in ay ka laabteen guri ay subac ku galeen.

“Dadka la dilay waxa ay ahaayeen 5 qof, nin Macallin ah iyo xertiisa ayay ahaayeen, meel Subac ah ayay ka tageen ayaa la leeyahay, waxaana jidka u galay oo dadkan dilay maleeshiyaad hubeysan ” ayuu raaciyay guddoomiyaha degmada Cadale.

Maalmihii lasoo dhaafay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe waxaa ka socday dagaalo iyo dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay guryo ay dad shacab ah deganaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeerarkii doorashada ee muranku ka taagnaa ee Somaliland oo saakay go’aan laga gaaray

Cabdi Cade

Toogasho saakay ka dhacday magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka dhex socda Somaliland iyo Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---