Shirkii qaddiyada Falastiin ee shalay ka furmay dalka Masar ayaa waxa uu ku soo dhamaaday Khilaaf, iyado in la isku fahmi waayey qaabka loo dhigayo qoddobada lagu shaacinayo bayaanka wadajirka ee gebagebada shirkaasi.
Ergooyinka Carbeed iyo kuwa dalalka reer Galbeedka ee shirka joogay ayaana isku khilaafay dhigaalka War-murtiyeedka, iyadoo Ergooyinka galbeedka ku adkeysteen in bayaanka lagu dhaleeceeyo Ururka Xamaas oo keliya.
Waxayna Ergooyinka Reer Galbeedka ka biyo diideen in bayaanka lagu qoro eedeymaha Israel ee dilka kumanaan Falastiiniyiin ah, iyo in shixnadaha gargaarka Aadminimada gaaraan Deegaanada Marinka Qasa ee go’doonsan.
Khilaafka soo kala dhax galay Ergooyinka Carbeed iyo kuwa ka socday dalalka Reer Galbeedka ayaa horseeday in shirkii magaalada Qaahira la soo gunaanado bilaa War-murtiyeed loo dhan yahay.
Si kastaba, dowladda Masar oo marti gelisay Shirkaasi looga hadlayay xaalada magaalada Gaza ayaa soo saartay Qoraal ku aadan kulankaasi oo lagu casuumay ergooyin ka kala socday 34 dal iyo Ururo Caalami ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com