Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyihii garabka hubeysan ee Xamaas iyo qoyskiisa oo duqeyn lagu dilay (Sawirro)

Hogaamiyihii garabka hubeysan ee Xamaas iyo qoyskiisa ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israel ay fulisay.

Taliye ka tirsan ciidamada Xamaas ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay ciidamada Israel ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala bartamaha Gaza.

Talal Al-Hindi, oo ahaa taliyaha guutada al-Qassam, waxaa lala dilay xaaskiisa, Fadwa, gabadheeda, Isra, iyo abtigeed Bara’.

Tobaneeyo qof ayaa weli ku hoos jira burburka gurigooda weerarka kadib, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dadka ayaa baadigoobayay dad daris la ah oo ku hoos hoos jira burburka guri ku yaala bartamaha Gaza oo maanta ay duqeeyeen ciidamada Israel.

Goob joogayaal ayaa sheegay in 12 qof oo hal qoys ah ay ku dhinteen duqeyntan, shan kalena la rumeysan yahay inay ku xayiran yihiin burburka dhismaha.

Guriga la duqeeyey wuxuu u jiraa ilaa 200 mitir (yards) Isbitaalka Al Aqsa ee Deir al-Balah, bartamaha Gaza.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

 

Related posts

Al-Shabaab oo weerar dhimasho geystay ku qaaday Bus Nairobi ku sii jeeday

Caydiid Ali

Khaatumo State baaq muhiim ah u dirtay Madaxda Dowladda Federaalka

Cabdi Cade

10 Israiliyiin ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Tel aviv

Caydiid Ali
Taboola Ads ---