Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Gorgor oo howlgal ku dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa howlgalo qorshayn ka fuliyay dhulka miyiga aa ee u dhaxeeya Deegaanada Caad iyo Shabellow koonfurta Gobolka mudug

Ciidamada ayaa dhulka miyiga ah isku baahiyey iyagoo wada howlgalo lagu sugayo amniga guud ee degaanadaan.

Taliye ku xigeenka Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor xoogga Dalka Soomaaliyeed Suulnuuge ayaa hoggaaminayay howlgalka qorshayn ayaa sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen saldhigyo al-shabaab ku dhuumaalaysanayeen oo ku yaala aagga Shabeellow

“Kooxda naf la caariga ee Khawaarijta ayaa iskaga cararay saldhiyo ay ku lahaayeen dhulka miyiga ah aagga Caad iyo shabeeloow kadib markii ciidamadu ay sameeyeen howlgal nadiifin ah” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu intaas ku daray iney howlgalkaas ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuna raad joogaan firxadka xubno kale, isagoo xusay iney socon doonaan howgalada inta Al-shabaab laga ciribtirayo Mudug iyo guud ahaan Somalia.

Related posts

Xulka Spain oo iskoor cusub dhigtay Ciyaaraha adduunka ee ka socda Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirar ka kala dhacaya Muqdisho & Garoowe oo lagu dhisayo Dowladda Cusub & Dani iyo Axmed Madoowe oo …

admin

Waddo laami ah oo horey looga dhisay Muqdisho oo mar kale la dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---