Shir caalami ah oo loogu magacdaray shirkii nabadda ee Qaahira ayaa ka furmay galinkii dambe ee maanta dalka Masar si looga wadahadlo sidii loo “dejin lahaa” dagaalka Israel iyo Xamaas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry ayaa sheegay in isu imaatinka uu ka shaqayn doono sidii kor loogu qaadi lahaa iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee marinka Gaza, inkasta oo wakiilo ka socda Maraykanka iyo Israa’iil aysan ka soo qaybgaleyn kulanka.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters madax ka socota Bariga Dhexe, Yurub, Koonfur Afrika, Japan iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ka qaybgalaya, waxaana ka mid ah.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, Boqorka Urdun Cabdallah, Boqorka Baxreyn Xamad bin Ciisa Al Khaliifa, Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Than, Dhaxal sugaha Kuwait Sheikh Meshal al-Ahmad al-Sabah, Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Raiisel Wasaaraha Spain Pedro Sanchez, Raiisel wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis, Madaxweynaha Qubrus Nikos Christodoulides, Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock, Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Catherine Colonna, Wasiirka arrimaha dibadda ee Japan Yoko Kamikawa, Xoghayaha Arimaha Dibada ee UK James Cleverly, Wasiirka arrimaha dibadda Norway Espen Barth Eide, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Mikhail Bogdanov, Ergeyga Shiinaha ee Bariga Dhexe ayaa soo saaray Zhai Jun, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Guddoomiyaha Golaha Yurub Charles Michel, Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda iyo Midowga Yurub Josep Borrell, “Waxaan maanta ku kulanay Qaahira xaalad aad u adag oo eegaysa bini’aadantinimadayada iyo caqiidada aan sheeganeyno,” ayuu yiri Madaxweyne Al-Sisi oo furay shir madaxeedka.
“Aaway qiyamkii ilbaxnimada bini’aadantinimo ee aynu dhisnay sannado iyo qarniyo? Aaway sinnaantii dadka aan waxba galabsan ee aan laba-laab lahayn? ayuu intaas ku daray
Al-sisi ayaa sheegay in Masar ay si cad u cambaaraynayso beegsiga iyo dilka dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray inuu la yaabay xaqiiqda ah in dunidu ay dib u istaagto oo ay daawato masiibo bini’aadannimo oo ka dhigan ciqaab wadareed ka socota Gaza.
Waxa uu intaa ku daray in Qaahira ay ka soo horjeedo in dadka reer Qaza loo raro Siinaay maadaama ay taasi meesha ka saarayso riyadii Falastiin ee dawladnimo.
Boqorka Urdun ayaa isna sheegay in ficilada Xamaas aan qiil iyo marmarsiyo looga dhigan kari in la laayo dad aan waxba galabsan.
“Duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Gaza waa mid naxariis darro ah oo aan laga fiirsan heer kasta. Waa ciqaab wadareed loo geysto dadka la hareereeyey iyo kuwa aan waxba haysan, waa xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah iyo kan bini’aadantinimada, waa dambi dagaal iyadoo dunidu ay u muuqato mid iska eeganeysa” ayuu yiri boqol Cabdalla.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa shirka caalamiga ah ee Qaahira ka sheegay in Falastiiniyiinta aysan aqbali doonin in loo wareejiyo meel ka baxsan marinka Qaza, inkastoo duqeymo aan kala joogsi lahayn ay kala kulmayaan ciidamada Israel.
“Weligay ma aqbali doono raritaan, waxaan ku sii sugnaan doonaa dhulkeena wax kasta oo caqabado ah,” ayuu yiri Cabbaas ka hor inta uusan ku baaqin gargaar joogto ah oo loo ogolaado inuu galo deegaanka go’doonsan.
“Waxaan sidoo kale ka soo horjeednaa in Falastiiniyiinta laga eryo guryahooda oo ku yaala Daanta Galbeed iyo Qudus, Meel kasta oo kale oo lagu weeraro kaabayaasha rayidka oo si ula kac ah loogu gaajaynayo dhammaan dadka cuntada, biyaha, korontada iyo baahiyaha aasaasiga ah waanu cambaaraynaynaa” ayuu raaciyay.
Hogaamiyeyaal badan ayaa ku sugan shir madaxeedkan, laakiin Israa’iil ayaa maamusha tallaabada milatari ee dhulka, mana ka qayb qaadanayso kulankan. Maraykanka oo ah dalka keliya ee laga yaabo inuu xakameeyo Israa’iil ayaan kulanka qeyb ka aheyn, sidaas awgeed waxaa aad u yar waxa shir-madaxeedkani ka qaban karo joojinta duqeynta iyo xabbad-joojin la gaaro.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA