Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milatetiga Israel & Xoogaga Xisbullah oo isku fara saaray xadka Lubnaan

Ciidamada Israel iyo dagaalyahanada Xisbullah ayaa tacshiirad iyo gantaalo isku weydaarsaday deegaano dhowr ah oo ku yaala xadka Lubnaan iyo Israel, xilli ay sii kordhayaan rabshadaha ka dhashay dagaalka Israel iyo Xamaas.

Xiisad ayaa ka soo cusboonaatay xuduudda labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar ee kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ku qaadday koonfurta Isra’iil oo ay ku dishay in ka badan 1,400 oo rayid ah iyo ciidan iskugu jira  duqeymaha Israa’iil ay ku hayso Qaza tan iyo xilligaas waxaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo Falastiiniyiin ah.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Associated Press oo ku sugan koonfurta Lubnaan ayaa maqlay qaraxyo waaweyn oo ka dhacay xadka u dhow xeebta Mediterranean-ka.

Wakaalada Wararka Qaranka ee ku hadasha afka dowlada ayaa ku warantay in duqeymaha Israel ay ku dhaceen dhowr tuulo, iyadoo intaasi ku dartay in gaari si toos ah loogu dhuftay gantaal tuulada Houla. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in koox dabley ah ay madfac ku soo rideen Israa’iil isagoo intaas ku daray in diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay beegsatay. Waxa uu intaa ku daray in koox kale oo hubaysan ay rasaas ku soo rideen dhinaca magaalada Margaliot ee Israa’iil iyado diyaarad aan duuliye lahayn ay weerarkaas ka jawaabtay wax yar ka dib.

Related posts

Amiir ka tirsan dowlada Qadar oo la dhigay Xabsi ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta

Caydiid Ali

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado ka dhaceysa iyo Cali Gacal oo ka hadlay

Cabdi Cade

Sheekh Shariif oo Baaq u diray Saraakiisha ciidanka Dowlada kuna dhawaaqay Banaan baxyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---