Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gargaarkii u horreeyey ee Bani’aadamnimo oo gaaray Marinka Gaza (Sawirro)

Waxaa marinka Rafax ee isku xira Masar iyo Gaza Sabtida maanta ah ka gudbay kolonyadii ugu horeysay ee sidda gargaar bini’aadantinimo ah oo loo diray marinka go’doonsan ee Gaza tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay halkaasi.

Arrintan ayaa suurtogashay ka dib maalmo ay dhinacyadu isku maandhaafsanaayeen shuruudo diblumaasiyadeed oo ku aadan sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa.

Gargaarkan ku sii jeeda Falastiiniyiinta ayaa iskugu jira cunto, dawo iyo biyo la’aan ka haysata dhulka ay Israa’iil go’doomisay Gaza.

In ka badan 200 oo baabuur oo siday qiyaastii 3,000 oo tan oo gargaar ah ayaa u gudbay Gaza. kuwaasoo maalmahan ku sugnaa xadka Masar iyo Gaza

Israa’iil ayaa go’doomisay dhulkaasi waxayna bilowday mowjado ciqaab ah oo dhanka cirka ah kadib weerarkii 7-dii October Xamaas ku qaaday magaalooyin ku yaalla koonfurta Israa’iil.

Qaar badan oo reer Gaza ah ayaa yareeyay cuntada maalinlaha ah, iyagoo aan haysan biyo ku filan oo ay cabbaan. Shaqaalaha Isbitaalada ayaa sidoo kale ka quustay inay helaan dawooyin iyo shidaal loo isticmaalo korontada si loo daweeyo dad aad u fara badan oo ku dhaawacmay duqeymaha Yuhuuda.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ee Gaza ayaa soo saartay bayaan ay ku nuuxnuuxsatay in ka reebista shidaalka gargaarka bini’aadantinimo ee la gaarsiinayo deegaanka ay halis gelin doonto nolosha dadka xanuunsan iyo kuwa dhaawaca ah.

“Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka iyo Masar inay si degdeg ah uga shaqeeyaan sidii loo keeni lahaa shidaal iyo baahi caafimaad oo degdeg ah ka hor inta aan dhibanayaal badan lagu waayin isbitaallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Boqolaal ajaaniib ah oo heysta baasabooro ajnabi ah ayaa sidoo kale la filayaa inay ka gudbaan Qaza iyagoo tagaya Masar si ay uga baxsadaan colaadda.

Related posts

Midawga Afrika oo Itoobiya ka dalbaday inuu liiska argagaxisada ka saaro TPLF

Caydiid Ali

Qarax saaka ka dhacay Magaalada Marko iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Taliye Macalin Mahdi oo lagu eedeeyey inuu xabsiga ku weeraray Cabdalla Muumin

Caydiid Ali