Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga afaraad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha oo uu wehliyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka isagoo sheegay in sanadkii koowaad ay Dowladda Hirshabeelle ku howlaneyd xalinta tabashooyinkii jiray iyo arrimaha doorashooyinka dalka, halka sanadka labaadna ay dowladda iyo bulshada Hirshabeelle ku jiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaaerijta ah ee alshabaab oo guulo waaweyn laga gaaray iyadoo ay isu furan yihiin Magaalooyinka Muqdisho ilaa Feerfeer, Muqdisho ilaa Gaalkacyo oo si nabad ah la isugu kala gooshayo taasina ay ku timid dagaalka wadajirka ah ee lala galay cadowga.
Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay inay jirto tabashooyin ay ka qabaan Dowladda Federaalka waxa uuna xusay in si hoose ay ugu sheegeen tabashada ay qabaan hada wixii ka dambeeyase ay kor u sheegi doonaan dhibaatada ay dowladda federaalka ku hayso Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Dowladdiisu had iyo jeer u taagan tahay difaacidda Hishabeelle iyadoo shacabkeeda kaashaneyso waxa ay dagaal kula jiraan khawaarijta cadowga ku ah nolosha dadka Soomaaliyeed isagoo tilaamay in bariga Hirshabeelle laga ciribtiray Khawaarijta arxanka daran hada wixii ka dambeeyana loo jeesan doono deegaanada galbeedka Hirshabeelle, dhanka kale waxa uu xusay in deegaanada la xoreeyay laga fulinayo mashaariicda barnaamijka xasilinta si dadka ay u helaan adeegyada aasaasiga u ah bulshada.
Qaodobbada kale ee uu Madaxweynaha khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ahayd faahfaahinta dadaalada uu ku bixiyay arrimaha dib u heshiisiinta oo dowladiisu ay dadaal iyo waqtiba ku bixisay waxa uuna sheegay in magaalada beledweyne uu kasoo daayay dad nool oo lakala haystay sidoo kale waxa uu adkeeyay in maanta kadib gacan adag lagu maareyn doono dhiiga ku daadanaya deegaanada hoos-yimaada degmada cadale hadana uu u diray ciidamo kala dhexgala beelaha dagaalamaya, waxa uuna ugu baaqay dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaas inay ku baxaan colaada ka jirta degmada cadale.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu dhameystiray garsoorka Hirshabeelle sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga howlgali doonaan Gobollada iyo degmooyinka Hirshabeelle, isagoo dhanka kale faray Wasiirka Arrimaha Gudaha dhameystirka goleyaasha deegaanka.