Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo wada Habraacyo cusub oo lagu xakameenayo dhaqaalaha Al Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay cunaqabateynta dhaqaale ee lagu hayo Al Shabaab iyo banaamijka deyn cafinta.

Wasiirka  Maaliyadda ayaa sheegay in ay socdaan habraacyo lagu xadidayo laguna xakamaynayo dhaqaalaha Al Shabaab, waxa uuna xusay in dadaalkan qeyb ka yahay dagaalka dhowrka waji ee lagula jiro Al Shabaab.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay ka shaqeenayaan sidii loo cunaqabateyn lahaa loona xayiri lahaa dhaqaalaha kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay dabagal ku hayaan cid kasta oo Al Shabaab la shaqeysa una fududeysa helitaanka dhaqaalaha baada ajh.

Wasiirka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan kahor-tagista in Al Shabaab lacago baad ah ka qaadaan dadka shacabka ah, waxa uuna xusay in la dhaqan-gelin doono sharciga la dagaallanka argagaxisada ayna ciqaab mudan doonaan dadka Al Shabaab la shaqeeya.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in hanaanka daynta cafinta soo maray marxaladdo kala duwan oo dowladda Soomaliya ku bixisay daddaal xooggan kaas oo noqday miro dhal” wax aan kalsooni ku qabnaa in aan ku guulaysanayno in dayn cafinta si buuxda ugu guaysan doono bartamaha bisha December” ayuu yiri Wasiir Biixi.

Biixi Iimaan Cige wuxuu faahfaahin ka bixiyey kulammo uu la qaatay haya’adda caalamiga ee doorka ku leh daynta cafinta isagoo xusay in dhamaan kulamadaas ku dhamaadeen is faham iyo wada shaqayn buuxda.

Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay inuu kulamo kala duwan la qaatay Haya’addaha Maaliyadda dalka Maraykanka,dalalka Carabta,iyo yurub isagoo ugu bishaareeyey Shacabka Soomaaliyeed in si dhamaystiran loo cafin doono daynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ay socdaan habraacyo lagu xadidayo laguna xakamaynayo dhaqaalaha Al Shabaab,daddaaladan oo wasiirku hormuud ka yahay kana mid ah qorshaha guud ee cirib tirka Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kursigii Fahad Yaasiin iyo Kuraas kale oo horey loo hakiyay oo goordhaw la fasaxay

Cabdi Cade

Xukun Adag oo lagu riday Maamule Imtixaan u galay Askari AMISOM katirsan (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi oo si kulul uga jawaabay qoraalkii ka soo baxay Ahlu sunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---