Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo ugu baaqday muwaadiniintooda ku sugan labo Dal oo Carbeed in ay kasoo baxaan

Maamulka Isarel ayaa cabsi xooggan ka qaba in la beegsado muwaadiniintooda ku sugan qaar kamid ah waddamada Islaamka, xilli ay wali wadaan ciidamada Yahuuda xasuuqa ay ka geesanayaan magaalada Gaza.

Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegtay in Israel ugu baaqday muwaadiniintooda ku sugan dalalka Masar iyo Urdun in si deg deg ah uga baxaan , sidoo kale kuwa hadda qorsheenaya in ay u safraan ayaa iyana looga digay in ay aadaan dalalkaasi.

Bayaan ka soo baxay golaha ammaanka Israa’iil, ayaa sare loogu qaaday digniinaha safarka ee Masar iyo Urdun ilaa heerka 4aad, talo bixinta in aan loo safrin dalalkan iyo in kuwa sii joogaya ay ka baxaan, sida ugu dhaqsaha badan.

Israel ayaa sidoo kale horey uga dirtay muwaadiniintooda ku sugan dalka Turkiga in ay feejignaadaan, waxa ayna digniinahan imaanayaan xilli dadka Muslimiinta ah ka carroodeen xasuuqa Isreal ka wado magaalada Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Booliis ah oo Hal Sabab Darteed u dishay Xubno badan oo katirsan Qoyskeeda

Cabdi Cade

Mareykanka oo Shuruud adag ku xiray in Cunaqabateynta laga qaado Kuuriyada Waqooyi

Cabdi Cade

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga Masuuliyiin ku eedeysan musuq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---