Allbanaadir.com
NEWS

Shir looga hadlayo xaalada Gaza oo furmaya iyo dalal badan oo lagu casuumay

Waxaa maanta dalka Masar ka furmaya shirweyne looga hadlayo nabada iyo xal u helida colaada ka aloosan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana shirkan gogoshiisa dhigay madaxweynaha Masar Abdifatah Al Sisi.

Shirkan ka furmaya dalka Masar oo ah shirweyne caalami ah ayaa waxaa ka qeyb galaya waddamo badan oo caalamka kuyaalla, waxaana shirkan looga arrinsan doonaa sidii xal caalami ah loogu heli lahaa xaalada Gaza ee la isugu daray go’doomin iyo duqeymo.

Dowladda Masar ayaa shaacisay in shirweynaha nabadda ee maanta ka furmaya dalkaasi ay ka qeyb galayaan Wafuud kala duwan oo ka kala socda 31 dal, 3 Ururo Caalami ah iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dalalka la xaqiijiyey inay ka qeyb galayaan Shirkaasi waxaa ka mid ah: Qatar, Iran, Greece, Palestine, the UAE, Bahrain, Saudi Arabia, Kuwait, Iraq, Italy, Britain, Spain, Cyprus, Turkey, Israel, Brazil, China, America, Morocco, South Africa, Norway, Russia iyo Golaha Europe (The European Council).

Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel oo socda 14-maalmood waxaa noloshooda ku waayay dad ka badan 4-kun oo qof oo shacab Falastiiniyiin ah iyo dad ka badan 1,300 oo kasoo jeeda Yahuuda Israel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo iskuul ku leysay dad 100 ka badan (Sawirro)

Caydiid Ali

Senate-ka Mareykanka oo daaqada ka tuuray dembiyadii loo heystay Trump

Caydiid Ali

Maamulka K/Galbeed oo amar cusub ka soo saaray Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---