Kooxda Xamaas ayaa shaacisay in ay sii daayeen labo maxbuus oo kamid ahaa dadkii ay ka qafaasheen Israel 7-dii bishan , waxa ayna kooxda wali gacanta ku heysa in ka badan 200-maxbuus oo badankood Israel u dhasheen.
Afhayeenka garabka milatariga ee kooxda Islaamiga ah ee Xamaas ayaa shaaciyay in ay sii daayeen labo kamid ah maxaabiistii ay gacanta ku hayeen, kuwaa uu sheegay in ay kasoo jeedaan dalka Mareykanka.
Dowladad Qatar ayuuna sheegay afhayeenka in ay gacan ka geesatay deysmada labadan maxbuus ee Mareykanka u dhashay, waxa uuna xusay labada qof ay daayeen oo ah hooyo iyo gabadheeda arrimo bini’aadanimo darteed u daayeen.
“Iyadoo laga jawaabayo dadaallada Qatar, guutooyinka Al-Qassam waxay sii daayeen laba muwaadin oo Mareykan ah hooyo iyo gabadheeda sababo bani’aadamnimo,” Abu Obaida ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Labadan qof ayaa lagu wareejiyay Laanqayrta Cas, waxana la sheegay in hooyada ayaa ku jirta xaalad caafimaad oo aad u liidata.Mana cadda inay ka bixi doonaan Gaza oo ay geli doonaan Masar ama Israel.
Xamaas ayaa wali gacanta ku haysa maxaabiis kale oo aad u badan oo kasoo kala jeeda waddamo kala duwan, waxa ayna kooxdan horey u shaacisay in qaar kamid ah maxaabiista ay hayeen lagu dilay duqeymaha Israel ka wado Marinka Gaza.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com