Allbanaadir.com
NEWS

Gaadiid Raashin iyo Shidaal u waday kooxda Al Shabaab oo la qabtay (Daawo Sawirro)

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan magaalada Gadon ee gobolka Galgaduud, ayaa gacanta ku dhigay gaadiid waday raashin iyo shidaal, kuwaa oo kusii jeeday deegaanno Al Shabaab maamulaan.

Gaadiidkan ciidamada qabteen oo la sheegay in Al Shabaab u wadeen raashinka iyo shidaalka ayaa lagu qabtay tuulada Dawacooley oo kutaalla inta u dhaxeeya deegaannada Gadoon iyo Xiindheere ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka iska caabiyeen jabna gaarsiiyeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab oo doonayay in ay furtaan gaadiidka sahayda u waday ee la qabtay.

Ciidanka dowladda ayaa sidoo kale dhawwaan ku qabtay deegaanno dhaca Galmudug gaadiid raashin iyo sahay u waday deegaanno Al Shabaab maamulaan, waxaana gaadiidkaasi la qabtay xilli ay marayeen waddooyin qardo-jeex ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Xeer uu Maanta soo saaray Farmaajo oo la sheegay in uu khilaafsan yahay Dastuurka

Cabdi Cade

Israel oo Duqeyn ku leysay Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas Ismail haniyah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---