Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku laabtay Dhuusomareeb kana bilaabaya abaabul cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halgaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Dhuusomareeb ugu laabtay sidii uu markale halkaasi uga bilaabi lahaa abaabulka howlgalo mar kale laga bilaabo deegaannada maamulka Galmudug ,gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud oo ay heestaan Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa horey saldhig uga dhigtay magaalada Dhuusomareeb uu ku sugnaa muddo labo bilood ah, waxa uuna madaxweynaha galabta mar kale dib ugu laabtay magaaladaasi uu ka hoggaamin doono howlgalo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalkii Itoobiya oo xoogeystay & Magaalooyin ciidanka dowlada laga qabsaday

Caydiid Ali

Khilaafka u dhaxeeya Gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo waxa uu salka ku hayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Maareeye Garoon iyo Gudoomiyaal Gobol (Akhriso)

Cabdi Cade