Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo ka carrooday Hadal kasoo yeeray Madaxweyne Biden oo la xariiray Xamaas

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa hadal uu jeediyay ku bar bardhigay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin iyo dowladiisa kooxda Islaamiga ah Xamaas ee ka dagaallanta dhulka Falastiin.

Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku uu ku qasban yahay inuu garab istaago Israa’iil iyo Ukraine oo ka hortagaya Ruushka iyo Xamaas, waxa uuna intaa ku daray in aysan oggolaan doonin in argagaxisada Xamaas iyo daalim Putin in uu guuleesto.

“Ma yeeli karno mana ogolaan doono in argagixisada sida kooxda Xamaas iyo daalimiinta sida madaxweyne Putin in ay guuleystaan” ayuu si cad u sheegay madaxweynaha dalka Mareykanka Biden.

Afhayeenka aqalka looga arrimiyo dalka Ruushka ee Kremlin-ka Dmitry Peskov, ayaa si adag uga hor-yimid hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka, waxa uuna hadalkaasi ku tilmaamay mid aan la aqbeli karin.

Waxa uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Ruushka in aan la aqbali karin hadalada nuucaas oo kala ah oo madaxda loogu gefayo, waxa uuna hadalkaasi ku tilmaameyd mid aan habbooneyn oon laga fiirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhexdhexaadintii Itoobiya ee Somaliland iyo Isimada Sool oo qarka u saaran fashil

Caydiid Ali

Ciidamo Itoobiyaan ah oo katirsanaa Howlgalka Q/M oo diiday in dalkooda lagu celiyo

Cabdi Cade

Akhriso :10- Su’aal oo adag oo Ra’isul Wasaare Kheyre lagu weediinayo Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---