Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin naadir ah, taas oo ay uga digeyso dhammaan muwaadiniinta Mareykanka ah ee dibedda ku nool inay taxadar muujiyaan”, sida lagu sheegay qoraal ku soo baxay website-ka Waaxda Arrimaha Dibadda.
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sababata digniintan ku tilmaantan xasaradaha sare ee ka jira meelo kala duwan oo adduunka ah.
Waxay sidoo kale ka digtay ‘suurtagalnimada weeraro argagixiso mudaaharaadyo, ama falal rabshado ah oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka’
Sida ay toddobaadkii hore sheegtay Waaxda Arrimaha Dibaddu, ilaa 20 muwaadin oo Mareykan ah ayaa loo maleynayaa inay ka mid yihiin dadka toddobadii bishan Xamaas ka afduubatay Israa’iil.