Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo duqeyn ku dishay hogaamiye sare oo ka tirsan Xamaas (Sawirro)

Xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Gaza ayaa sheegay in taliyihii ciidamada ammaanka qaranka ee Xamaas Maj. Gen. Jihad Muheisen, lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Gaza isaga iyo qaar ka mid ah qaraabadiisa.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga tirada dadka eheladiisa ah ee lagu dilay xaafadda Sheikh Radwan ee waqooyiga magaalada Gaza.

Ciidanka Amniga Qaranka waa urur ka dhisan Gaza oo ay la wareegeen Xamaas ka dib markii ay qabsadeen 2007dii.

Dhinaca kale, saraakiisha Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in Jamila al-Shanti oo ka tirsan golaha sharci dejinta ee Xamaas lagu dilay duqayn cirka ah oo ay fuliyeen Israa’iil Khamiistii.

Waxaa loo yaqaanay haweeneydii ugu horreysay ee loo doorto xafiis siyaasadeed oo ka tirsan kooxda Xamaas

Waxay u dhaxday Abdiaziz Al-Rantisi oo ka mid ahaa aasaasayaashii dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta, marka hogaamiye ka soo noqday Xamaas kaasoo ay sanado ka hor qaarajisiay Israel.

Related posts

(Akhriso) Shuruudaha iyo lacagaha laga rabo Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka

Caydiid Ali

Dad loo heesto Weerarkii Nairobi oo Maxkamad kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Booliska Mareykanka dabagal dheer ka dib xiray basaas xog sir u gudbinayey dalka..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---