Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo ka digay fulinta qorshe uu wato Madaxweyne Xassan Shiikh

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka soo horjeestay qorshe uu wato Madaxweyne Hassan Shiikh oo wax looga bedelayo hanaanka dowlada Somalia ay u shaqeyso oo ah nidaamka Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha.

Xassan Shiikh ayaa doonaya in la bedelo dastuurka hanaanka dowladeedna loo bedelo nidaamka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Golaha wadatashiga Qaranka oo ka kooban DF iyo dowlad geebeedyada dalka ayaa arrintan horey ugu heshiiyey inkastoo Puntland ay ka maqneyd.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhowaan khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ku adkeystay fulinta heshiiskaas oo sidoo kale dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka Baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO.

Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.

Sidaas darteed in laga guuro hannaanka Baarlamaaniga ah ee ka jira dalkeenna, lana laalo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waa masuuliyad ka baxsan awoodaha Hay’adaha Dawladda, maadaama ay taabanayso masiirka dalka.

Baarlamaanka Federalka Soomaaliya waxaa waajib qaran iyo mid taariikhi ah ka saaran yahay inay ka digtoonaadaan ansixinta qodobbada taabanaya jiritaanka dowladnimada ee aan loo marin hannaanka saxda ah, kuwaasoo abuuri kara kalsooni darro bulsho iyo jahwareer siyaasadeed.

Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taasoo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka.

Wa billaahi Al-towfiiq

Related posts

Al-Shabaab oo saaka Macalimiin ku leysay gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya

Caydiid Ali

Haweeney markii Ugu Horreysay Hoggaamin Doonto WTO iyo sida ay ku dhacday

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta la kulmay Magatte Guisee (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---