Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Biden oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo ka farxiyey Israel

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku baaqay in la taageero kaalmo dheeraad ah ee Mareykanka uu siiyo Ukraine iyo Israa’iil, isagoo ku sheegay khudbad telefishan laga sii daayay

Biden waxa uu hadlay saacado ka dib markii uu Washington kaga soo laabtay booqasho degdeg ah oo uu ku tagay Israa’iil si uu u muujiyo taageerada Maraykanka ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ee 7-dii Ockoobar oo lagu dilay in ka badan 1.400 oo Israaliyiin ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa ku jawaabay duqeymo dhanka cirka ah, waxaana Gaza lagu dilay 3,785 qof tan iyo markii uu dagaalka billowday, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dooday in Israa’iil ay u baahan tahay in laga caawiyo sidii ay isaga difaaci lahayd Xamaas. Waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku uu ku qasban yahay inuu ka caawiyo Ukraine joojinta horumarka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Biden wuxuu sheegay inuu u diri doono Congreska Mareykanka codsi miisaaniyadeed degdeg ah” Jimcaha si loo maalgeliyo baahiyaha amniga qaranka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay in codsiga uu xambaarsan yahay inuu sido qiimo dhan $100 bilyan, tobanaanka sano ee soo socda.

Related posts

Dad badan oo loo xiray ka ganacsiga Xayawaanka Diinka (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade

Gaadiid hub ka keenay Itoobiya oo lagu boobay Caabudwaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo kulan Muhiim ah la qaatay Danjire Andreas von UexküII (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---