Somaliland ayaa si kulul u cambaareysay aqoonsiga ay dowlada Federaalka Soomaaliya siisay maamulka SSC Khaatumo ee xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood
Waxay talaabadan ku tilmaantay dagaal ka dhan ah jiritaankeeda sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada.
Aqoonsiga Dowlada Federaalka Soomaaliya ee SSC Khaatumo ayay Somaliland ku tilmaantay weerar ka dhan ah qaranimadeeda.
Warsaxaafadeedka Waxa lagu sheegay in Somaliland haysatay madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, isla markaana ay ka hirgelisay xuduudaheeda nabadgalyo, amni iyo dowlad dimuqraadi ah ayna si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, laakiin talaabada Soomaaliya ay khatar galinayso amniga.
Somaliland waxay ugu baaqday dowlada Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso SSC Khaatumo.
HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga soo horjeedda aqoonsiga rasmiga ah ee ay Soomaaliya siisay Malleeshiyo Beeleed ka taliya magaalada Laascaanood ee Somaliland.
Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Somalia iyo Maleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood. Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar bareer ah oo lagu soo qaaday Qaranimada iyo wadajirka Somaliland & xuduudaheeda 26kii June 1960. Waa wax laga naxo oo khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.
Somaliland waxay haysataa madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, iyadoo ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taasoo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood billowgiiba.
Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso maleeshiyo beeleedka. Waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay cambaareeyaan aqoonsigan, maadaama uu khatar ku yahay xasiloonida guud ee gobolka. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay ixtiraamaan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamku aqoonsan yahay oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si loo gaadho nabad iyo ammaan.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay weli ku adkaysanaysaa in ay shacbiga Somaliland nabad, xasilooni iyo barwaaqo u helaan. Waxaan sii wadi doonnaa dadaalladayada ku aaddan aqoonsiga madax-bannaanidayada iyo abuuritaanka xiriir faa’iido u leh beesha caalamka.
-DHAMMAAD-