Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo isbarbar dhigay dagaalkii ku qabsaday Muqdisho & waxa Israel ku sugaya Gaza

Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da Mareykanka David Petraeus,  ayaan sheegay in weerarka dhulka ee ay Israel qorshaynayaan inay ku galaan Qaza, uu noqon doono mid sanado socda oo uu dhiig badan uu ku daato.

Petraeus oo sidoo kale soo noqday taliyaha ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ayaa  waxa uu sheegay in ciidamada Israel ay soo food saartay rajo la mid ah tii ay ciidamada Maraykanku kala kulmeen caasimadda Soomaaliya 1993-kii ka dib markii la soo riday saddex diyaaradood oo ah nooca Black Hawk oo ay wateen ciidamada Maraykanka.

“Duullaan dhulka ah oo Israel ku qaado Gaza wuxuu si degdeg ah isugu badali karaa xaaladii ciidamadeena ku qabsatay Muqdisho oo weliba daroogaysan” ayuu yiri Petraeus.

“Haddii ay Xamas u xeelad badan yihiin xagga difaaca, sidii weerarkii argagaxa lahaa ee aan laga sheekayn karin, markaas waxaad arki doontaa naftood hurayaal, waxaad arki doontaa aaladaha qarxa oo la farsameeyay, waxaa jiri doona weeraro gaadmo ah, dabino degdeg ah, iyo dhufeysyo magaalada dhexdeeda ah, mar kale, waxay noqon doontaa mid aad u adag,” ayuu raaciyay.

Related posts

Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugida Gobolka Hiiraan oo Muqdisho looga yeeray

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay qoraalka Musharaxiintu u direen ururo & dalal taageera Somalia?

Caydiid Ali

Masar iyo Sudan oo ku baaqay in Heshiis laga gaaro Khilaafka Biyo Xireenka Wabiga Niil

Cabdi Cade
Taboola Ads ---