Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saldhigyo ciidamada Mareykanku ku leeyihiin bariga dalka Siiriya oo la duqeeyey

Dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn lagu qaaday xarun shidaal oo ku taal bariga Suuriya hallkaasoo ay degan yihiin ciidamo Maraykan ah iyo saldhig Maraykan ah oo ku yaal meel u dhow.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Mareykanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Omar Abu Layla, oo ah dhaqdhaqaaqe fadhigiisu yahay Yurub, madaxna ka ah warbaahinta Deir Ezzor 24, ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay duqeeyeen goobta gaaska Conoco ee bariga gobolka Deir el-Zour oo xuduud la leh Ciraaq.

Rami Abdurrahman oo ka tirsan kooxda xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain, ahna kormeeraha dagaalka mucaaradka, ayaa xaqiijiyay in shan qarax laga maqlay goobta gaaska ee Conoco.

Weerarkan oo aysan jirin cid sheegatay ayaa loo maleynayaa iney a dambeeyeen kooxaha ay taageerto Iran  ee ku sugan Siiriya, waxayna dhacdadani ku soo aadeysaa xili Mareykanku uu si cad u taageeray xasuuqa ay ciidamada Israel ka wadaan magaalada Gaza oo caro weyn ka dhaliyey caalamka.

Related posts

Dagaal la isku habeensaday oo ka socda duleedka degmada Maxaas (Wararkii u dambeeyey)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre oo xariga ka jaray garoonka Dayuuradaha Baraawe (Sawirro)

Caydiid Ali

Midowga Musharixiinta oo ka hadlay waxyaabihii ka dhacay Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---