Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo Gudoomiyey Shirka Golaha wasiirada Koonfur Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed oo ka dhacay magaalada Xudur, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada iyo Masuuliyiin heer Federaal ee Koonfur-galbeed ayaa xoogga lagu saaray qorshaha howlgalka wajiga Labaad ee dagaalka xoreynta dalka, iyadoo lagu soo bandhigay caqabadaha nololeed, bulsho iyo maamul ee Al-shabaab ay dhaxalsiiyeen deegaannada Koonfur-galbeed.

Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo al-shabaab, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo kula qaatay magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, waxgaradka, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka, kuwaas oo uu ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan Soomaaliya xor ka ah argagixisada, dadkeeduna mideysan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey reer Bakool iyo guud ahaan bulshada Koonfur-galbeed sida ay ugu mideysan yihiin dowladnimada, uguna taagan yihiin in ay iska dulqaadaan argagixisada caqabadda ku noqotay horumarka deegaannadooda.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Ciidamo Daacad u ah Gen Haftar oo Dhowr Jiho ka galay magaalada Tripoli (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo ku gacan seyray baaq beesha caalamku ka soo saartay colaada Tukaraq

Caydiid Ali

Xarun talis cusub oo loo dhisayo ciidanka Dhulka oo maanta la dhagax-dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---