Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Warar kala duwan oo ka soo baxaya duqeyn culus oo ka dhacday gobolka Sh/dhexe

Faahfaahino ayaa ka soo axaya duqeymo xalay saqdii dhexe ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegaya in duqeyntan lala beegsaday meel ku dhaw degaanka Basra ee duleedka degmada Balcad oo ay isku urursanayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabka ay u dhacday duqeyntaas, kuwaasoo qaarkood  sheegayaan in loo adeegsaday hoobiyeyaal iyo qoriga BM-ka loo yaqaan, halka warar kalena ay tilmaamayaan in duqeynta ay fuliyeen dayaarado dagaal.

Xoogaga Al-Shabaab ka tirsan ee la duqeeyay ayaa la sheegay iney yihiin kuwii shalay degaanka ilbaq ka afduubtay gaari qaad siday iyo darawalkii la socday oo ka baxay Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Jowhar.

Lama oga khasaaraha nafeed ee duqeyntaasi loogu geystay Al-shabaab, mana jiraan war ay arintan ku saabsan oo ka soo baxay ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia: Tirada dadka u dhintay & kuwa ka bogsaday COVID-19 oo sii kordhay

Caydiid Ali

Meydka RW hore ee Somalia oo goor dhow laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo ballanqaaday in hoos loo dhigayo qiimaha qaaliga ah ee lagu tago Xajka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---