Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Arrin aan horey taariikhda u dhicin oo lagu arkay Magaalada barakeysan ee Qudus

Magaalada qadiimiga ah ee Qudus, waa mid ka mid ah goobaha loogu booqashada badan yahay caalamka, hase ahaatee tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu billaabmay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, magaalada Qudus ayaa haawanaysa.

Waxaa magaalada ka cararay dalxiisayaal badan oo iman jiray iyo dad badan oo cibaado u iman jiray.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay tahay markii ugu horraysay ee ay arkaan suuqyada magaalada Qudus oo maran.

Weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ku qaaday Israel 7dii bishan ayaa caalamka ka dhaliyey hadal heyn ballaaran iyo la yaab, iyadoo la isweydiinayo sida awooda kooxdaas ay khalkhalka u gelisay Israel oo ah dowlada ugu awooda badan bariga dhexe marka la eego Milateriga iyo sirdoonka.

Tirakoobyo cusub oo ka soo baxay Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in ugu yaraan 3,785 falastiiniyiin ah lagu dilay Qaza tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil 7dii Oktoobar.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah 1,524 carruur ah, 1,000 haween ah, 120 kalena waa dad waayeel ah. Guud ahaan 12,493 ayaa ku dhaawacmay.

Dhimashadan waxaa ku jira 471 qof oo wasaaradda caafimaadka Qaza ay sheegtay in Talaadadii lagu dilay isbitaalka Al-Ahli Carab.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isna sheegay shalay in in ka badan 1,400 oo Israa’iiliyiin ah ay dileen Xamaas, halka dad sadex kun ka badan la dhaawacay.

Related posts

Tirada ciidamada milatariga Israel looga dilay Dagaalka Xamaas oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Kenya oo ku baaqday in Muranka Badda ee kala dhaxeeya Somalia Wadahadal lagu dhameeyo

Cabdi Cade

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo su’aalo la weydiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---