Allbanaadir.com
NEWS

Miisaaniyadda Golaha Wasiirrada Puntland oo sannadkan la kordhiyay lana ansixiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirrada oo tobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta miisaaniyadda sanadka 2024, ansixinta xeerka kheyraadka macdanta iyo qodobo kale.

Golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Puntland ayaa dood iyo falanqeyn dheer kaddib ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024, oo dhan ($387,550,700), taas oo sannadkaa la siyaadiyey 3%.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka dooday oo ansixiyey Xeerka Kheyraadka Macdanta Dowladda Puntland, Kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxyo looga horjeedo Farmaajo oo caawa ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Mid kamid ah shaqaalada xawaaladda TAAJ oo lagu dilay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Soomaaliya oo Codsatay in garab lagu siiyo Maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga Aafooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---