Allbanaadir.com
NEWS

Dowladad Soomaaliya oo maamul goboleed madax bannaan u aqoonsatay SSC Khaatumo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul goboleed ka madax bannaan maamulada Puntland iyo Somaliland u aqoonsatay maamulka Khaatumo State ee xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka arrimaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo dhinac taagan yahay hoggaamiyaha maamulka Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya u aqoonsadeen maamul goboleed madax bannaan.

Dadka deegaanka gobolka Sool ayaa dagaal adag ay la galeen maamulka Somaliland kaga saaray magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale, waxa ayna dhisteen maamul madax bannaan oo ula baxeen SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha Khaatumo oo casuumad uu u fidiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ku jooga magaalada Muqdisho ayaa horey kulamo ula qaatay madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Dowlada oo dhoor bilood wax Mushaar ah qaadan iyo cabasho laga muujiyay

Cabdi Cade

Heshiisyo afgarad ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo la meel mariyay

Cabdi Cade

Musharaxiin Soomaali ah ay ku jirto Ilhan Cumar oo kusoo baxay doorashadii Xisbiga Dimuqraadiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---