Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo Shaacisay in ay dileen Rafat Abu Hilaal iyo xogta sida uu u dhacay dilkiisa

Ciidamada Israel ayaa wali wada duqeymaha indho la’aanta ah ay la beegsanayaan dhulka Falastiin gaar ahaan magaalada Gaza, duqeymaha ayaana ah kuwa aan laheyn bartilmaameed rasmi ah.

War kasoo baxay milatariga Israel ayey ku sheegeen in ay dileen Rafat Abu Hilaal, ninkan ayey sheegeen milatariga Israel in uu ahaa madaxa garabka milatariga ee kooxda lagu magacaabo Marinka Qasa.

Ciidamada Israel warka ay soo saareen ayey ku sheegeen in sargaalkan lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Rafah ee koonfurta Gaza, waxa ayna sheegeen in sargaalkan lagu dilay xog sirdoon oo ay heleen.

Kooxda Marinka Gaza ayaa la sheegay in ay tahay kooxda saddexaad ee hubeysan oo ku sugan magaalada Gaza, marka laga reebo kooxda Xamaas iyo sidoo kale ururka lagu magacaabo Islamic Jihad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo mamnuucay Isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada ,Taabuuga iyo kuwa kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Amar ka soo baxay Farmaajo oo dhaqan galay & Amarkaas oo xaalad cabsi ah ku soo kordhiyay Magaalada !!

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Sheikh Xasina oo is casishay kana carartay dalkeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---