Allbanaadir.com
NEWS

Mohamed Salah oo si Murugo leh uga hadlay xasuuqa Yuhuudda wado Baaqa u diray Caalamka

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa muuqaal qiiro leh oo uu soo duubay waxa uu kaga hadlay xasuuqa ay Yuhuudda ku hayso Falastiiniyiinta, gaar ahaan carruurtii xalay lagu laayay cusbitaal ku yaalla magaalada Qasa oo ay ku dhinteen ku dhowaad 1,000 qof oo u badan carruur iyo dumar.

Wasiirka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in ugu yaraan 4,000 qof ay Yuhuuddu ku dishay duqaymaha ay ku hayso Qasa labadii toddobaad ee ugu dambeeyey, isla markaana tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen, halka Israa’iil ay dhinaceeda sheegtay in Xamaas ay ka dishay ku dhowaad 1,3000 qof, tiro ka badanna ay kaga dhaawacmeen.

Murugadii ugu weynayd intii ay duqaymaha Yuhuuddu ku haysay Qasa waxay dhacday xalay oo gantaallo ay ku garaacday cusbitaal ku yaalla Qasa oo dadka ku dhintay la gaadhsiinayo illaa 700 qof.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara xulka Masar iyo kooxda Liveprool ee Mohamed Salah ayaa muuqaal uu soo duubay oo uu barihiisa bulshada soo geliyey, waxa uu ugu baaqay madaxda adduunyada, in gurmad degdeg ah loo fidiyo maatada falastiin ee lagu xasuuqayo Qasa, sidoo kalena lagu qasbo Yuhuudda inay joojiyaan duqaymaha ay ku hayaan shacabkaas.

Muuqaalka oo laga arkayay sida uu Mohamed Salah uga qiiraysan yahay falkan foosha xun, ayaa waxa uu ku yidhi: “Dhamaan nafaha binu-aadamku way karaamaysan yihiin, waxaana waajib ah in la ilaaliyo. Waxaynu u baahanahay in aynu joojino tan. Qoysas ayaa la kala geeyey, waxa hadda muuqda ee iska cad waa in ay waajib tahay in loo ogolaado in si degdeg ah uu gargaarka binu-aadanimadu u gaadho Qasa. Dadku waxay ku jiraan xaalad argagax ah.

“Muuqaallada cusbitaalkii xalay la duqeeyey waa uur-ku-taallo ah. Dadka Qasa waxay u baahan yihiin cunto, biyo iyo daawooyin degdeg ah. Waxa aan ugu baaqayaa madaxda adduunyada inay ka hor tagaan in ay dhacaan falal kale oo bahalnimo ah oo lagu gawracayo dadka aan waxba galabtan. Waa in binu-aadannimada la ilaaliyo.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo maanta xilka la wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in Itoobiya iyo Eritrea uu dalka ku qabsanayo !!

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo go’aano culus ka soo saaray muddo kororsiga hogaanka DF (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---