Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin oo si adag uga hadlay Gantaalo casri ah oo Mareykanka siiyay dalka…

Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday dalka Ukraine gantaalo iyo hub kale oo casri ah, si ay isaga difaacaan ciidamada Ruushka ee dagaalka adag kala horjeedaan kuna sugan qeybo kamid ah Ukraine.

Hubka dowladda Mareykanka ugu deeqday dalka Ukrine waxaa kamid ah gantaallada casriga ah ee ATACMS, kaa oo cabsi badan ku abuuray ciidamada Ruushka iyo dowladda dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa si kulul u cambaareeyay gantaalada ATACMS ee Mareykanka siiyay Ukraine, waxa uuna sheegay in Mareykanka mar kale sameeyeen khalad kale oo weyn.

Vladamir Putin ayaa sheegay in gantaaladan Mareykanka siiyay cadawgooda uusan waxba ka badali karin, waxa uuna uga digay dowladda Mareykanka in ay sii hubeeyaan dowladda Ukraine .

Ciidamada Ukraine ayaa helay hub casri ah ay kula dagaallamana ciidamada Ruushka ee duullaanka kusoo qaaday dalkooda, waxa ayna gantaalada la siiyay ku duqeeyaan xeryaha ciidamada Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka qof ajnabi ah oo laga helay xeebta degaan ka tirsan Puntland

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Shaaciyay Faa’iidada Somalia ugu jirta ku biiritaanka COMESA

Cabdi Cade

Xulka Gobolka Banaadir oo laga qaaday dhibcihii ciyaartii shalay ka dib markii..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---