Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Qoorqoor oo furay garoonka cusub ee dayuuradaha degmada..

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan xubo ka tirsan labada gole ee DFS iyo Dowladda Galmudug ayaa xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Baxdo

Garoonka oo hadda kaddib ay bulshadu si toos ah u adeegsan doonto ayaa dhowaan la dhameystiray dhismahiisa

Madaxweynaha ayaa sheegay in gacanna ay kula dirirayaan al-shabaab gacanta kalana ay horumarka Galmudug uga shaqeynayaan.

Qoorqoor ayaa sheegay in dhismaha garoomada ay muhiim u yihiin isku socodka dadka, ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Galmudug.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in degmada Baxdo ay markii ugu horeysay yeelatay garoon dayuuradeed oo si toos ah ugu xiraya qeybaha ee dalka.

Related posts

Farmaajo oo fariin u diray shacabka Soomaaliyeed, kana hadlay..

Caydiid Ali

Sidee maanta looga ciiday degaanada ay maamusho Xarakada Al-Shabaab? (Sawirro)

Caydiid Ali

Goobta & xiliga ay furmayaan wadahadalka dowlada Itoobiya & kooxda TPLF oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---